Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta

Dhulka waa meereha sadexaad ee qoraxda u dhow ee Bahda Midaysay Qoraxdu. Waa meeraha ugu muga iyo miisaanka weeyn iyo midka shanaad ee ugu xajmiga weeyn sideedda meere eeBahda Qoraxdu Midaysay. Dhulka waxa lagu naaneeysaa Meeraha Midabka Buluugan sababtoo ah marka hawoda sare laga soo fiirinayo waxa muuqda midabka buluuga.
Dhulku waa meereha kaliya ee nolol ka jirto dhamaan meereyaasha aan naqaano. Waxa lagu qiyaasaa meeraha dhulka in da'diisu ku dhowdahay 4.5 bilyan oo sanno.
Dhulka isku-wareegiisa (Circumference) waa 40,007.86 km marka laga xisaabayo dhul badheha, sidoo kale baaxada guud ee oogada dhulku waa 510,072,000 km2 - taas oo ka kooban 148,940,000 km2 dhul ama caro iyo dhagax ah una dhiganta 29.2 %; iyo 361,132,000 km2 biyo iyo bad ah, taas oo u dhiganta 70.8 %.
Muga dhulku waa 1.08321 ×10 12 km3 halka cufka meeraha dhulku yahay 5.97219 ×10 24 kg.
Sidoo kale, miisaanka cuf ee dhulku waa 5.515 g/cm3, halka cufisjiidadka dhul badhehu yahay 9.780327 m/s2 taas oo u dhiganta 0.99732 g. Cadaadiska dunidan waa 101.325 kPa (MSL).
Heerkulka oogada sare ee dhulku waa meel dhexaad taas oo ah mida taageertay in nolol ka jirto meerehan. Kulka iyo qaboowga dhulku wuu kala duwan yahay ayadoo Cidhifyada (polars) oogu heerkul hooseeyo taas ka dhigtey qaboow badan, laakiin meelaha ku beegan dhul badheha ayaa ugu heerkul sareeya dunida. Guud ahaan, heerkulka dunidu marka ugu hooseeyo wuxuu gaadhaa 184 K ama −89.2 °C, dhex-dhexaad markuu yahay heerkulku waa 15 °C ama 288 K, marka uu ugu sareeyo kuleeylku wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.
Cirka ama Samoda sare ee dunidan aan ku nool nahay waxay ka sameeysan tahay 78.08% curiyeha nitrojiin (N) taas oo ah hawo, 20.95% ogsajiin (O), 0.93% argon, 0.039% Kaarboon-labo-ogsaadh (C2O) iyo qiyaastii 1% uumi biyo ah (in kastoo mararka qaar kala duwan tahay cimilodu).
Meeraha dhulku wuxuu sameeyaa labo wareeg: mid uu ku wareego xariijintiisa taas oo loo yaqaano Sidereal rotation period oo ah habeen iyo maalin. Wareega labaad dhulku wuxuu ku sameeyaa qoraxda waxaanay ku qaadataa 365.25744. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...

- ... in Markab (Sawirka) uu yahay gaadiid biyaha ku socda oo dadka, xoolaha, iyo badeecadaha qaada?
- ... in markabku ka samaysan yahay bir, alwaax, ama walxo kale oo xoog leh si uu uga badbaado biyaha iyo roobka?
- ... in ay jiraan noocyo kala duwan: markabyo ganacsi, dagaal, dalxiis, iyo kalluumeysi?
- ... in markabku leeyahay qaybaha aasaasiga ah sida doonta, matoorka, burushka, iyo qolalka dadka ku saaran?
- ... in taariikh ahaan, markabku kaalin weyn ku lahaa ganacsiga, safarada, iyo dagaallada badda?
- ... in markabku uu astaan muhiim u yahay horumarka dhaqaalaha iyo isku xirka caalamiga ah?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh

Farta Boorama (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.
Toban sano ka hor intii aanu Sheekh Cabdiraxmaan alifin farta waxaa soo baxdey Farta Cusmaaniya taasi oo noqoneysa fartii ugu horeeysay dhulka Soomaaliyeed. Markii farta Borama soo shaacbaxdey waxay noqotey mid ka sahlan qorista iyo akhriska isla markaana ka shaqallo badan farta Cusmaaniyada. Dad badan oo wakhtigaasi isbarbardhigay waxay ku sheegeen farta Boorama in ahayd midii ugu casrisanayd geyiga Soomaalida wakhtigaas. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan

Af-Soomaali waa luqad Afro-Aasiyatik ah oo ay leedahay laanta Kushiitik . Waxay afka hooyo u tahay Soomaalida ku nool dhulka Soomaaliweyn iyo qurbo joogta Soomaaliyeed. Afka Soomaaliga waa afka rasmiga ee Soomaaliya Afka Soomaaliga waxaa ku hadla Soomaalida ku nool dalka Soomaaliya , Jabuuti , Itoobiya , Yemen , Kenya , iyo qurba joogta Soomaalida . Waxaa sidoo kale ku hadlo dad tiro yar oo ka soo jeeda qowmiyadaha tirada yar ee ku sugan agagaarkaas Laga soo bilaabo 2016, waxaa jiray dad gaaraayo ku dhawaad 36.6 milyan oo qof oo ku hadla af soomaaliga, oo kala degan dhulka soomaali wayn, taas oo ku dhawaad 15 milyan ay ku noolyihiin Soomaaliya. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo

















